Sheekada 7-aad

Aniga ninkii igu yidhi shaqo ayaan ku geynayaa, ayaa qol sariir dhex taallo i geeyay.

Habeen ayaannu isku barannay goob dad badan joogaan. Markaa anigu aqoon badan u maan lahayn. Waxa uu ii sheegay inuu yahay ganacsade caan ah oo la yaqaanno, anna magacayga ayaan u sheegay. Sheekada ayaa nala gashay in aan shaqo raadinayo, isna wuxuu ii ballan qaaday in uu i caawin doono. Markii habeenkaa aan gurigii tegay ayaan bilaabay inaan hubiyo magaca uu ii sheegtay, waxana ii caddaatay in uu run ii sheegayay, yahayna qofka uu ii sheegtay. Waa nin ganacsade ah oo magaaladayda caan ka ah.

Dhawr cisho oo dambe ayuu ila soo hadli jirey, waxaanu mar kasta ii sheegi jirey in uu ii maqan yahay. Runtii waan rumaystay, waxaanan is idhi, kani waa kii shaqo ku siin lahaa. Galab ayuu ila soo hadlay, waxaanu ii sheegay in xafiiskiisa shaqo ka bannaanaan doonto bil ka dib, haddii aan sugi karana aan u sheego. Haddii kalena, waxa uu ii sheegay inuu jiro nin ay saaxiib yihiin oo shaqaale raadinaya, shaqadaas oo booskeedu bannaan yahay imika. Waxa aan u sheegay in aan rabo shaqada diyaarka ah, ee aanan sugi karin ta bisha dambe. Waa hagaag, ayuu igu yidhi, waxaan kuu imanayaa maalintaas ee waraaqahaaga sii diyaarso, ninkana waan kuu geynayaa.

Galab ayuu i soo maray, aniga oo waraaqahaygii sitana waan raacay. Runtii aad baan u faraxsanaa, waxaanan is lahaa sannadkii ay shaqo la’aantu ku haysay ayaa kaa soo dhammaanaya. Sidii aan u soconnay ayuu i keenay guri weyn oo fooq ah. Markii aan weydiiyeyna, wuxuu ii sheegay in fooqani yahay xafiiskiisa. Ninka ay saaxiibka yihiinna uu xagga sare xafiis ku leeyahay, halkaana uu ku sugayo.

Deyrka markii aannu soo galnay annaga oo baabuurka saaran, ayay ishaydu qabatay wiilal dhallinyar ah oo bannaanka fadhiya. Waxaan is idhi waa runtii, oo meeshu xafiis ayay u eg tahay. I sug, inta uu igu yidhi, ayuu degay. Innamadii ayuu meeshii ka kiciyay, deedna wuu igu soo noqday. Soo deg, markii uu igu yidhi, ayaan weydiiyay sababta uu wiilasha u kiciyay, aniga oo markaa yar shakiyay. Jawaab sax ah i muu siin. Waan soo degay. Jaranjarada guriga marka aannu kor u fuulayno, waxa aan maqlayaa codadka dadka jooga guriga dhexdiisa, taas ayaana runtii i qaboojisay. Waxaanan is idhi, dadkaas ayaa jooga haddiiba ay wax kugu dhacaan.

Dabaqii u sarreeyay marka aannu gaadhnay, ayaan istaagay kaabadda u sarraysa, hareerahayga ayaan isha sidaa u mariyay. Qolalku way wada xidhan yihiin, marka laga tago ka soo jeeda oo ah qol goglan oo sariir dhex taallo. Waan yaabay. “Waar aaway xafiiskii saaxiibkaa, waaxay meeshan aad i keentay?” ayaan weydiiyay. Markaas ayuu bilaabay in uu gacanta i qabo. Waa nin buuran oo xoog weyn. “Wallaahi waan qaylinayaa”, ayaan ku idhi. Hanjabaad iyo sasabo ayuu isugu kay daray isaga oo weli gacanta i haya. Iska gundhi inta aan is idhi ayaan siibtay, jilibka ayaanan kaabadda ku dhuftay. Wax dhaawac ah maalintaas intaas ayaa i soo gaadhay, ilaa maantana wuu i xanuunayaa, laakiin nasiibwanaag wax kale i ma soo gaadhin, xoog ayaanan kaga soo cararay. Haddii aanay dadkaasi joogi lahayna, ma garan karo wax dhici lahaa.

Waxa aan u sheegaayaa hablaha shaqadoonka ah, in ay taxaddar badan sameeyaan, cid walbana aanay aaminin. Haddii ay meel u baxayaanna, ay ugu yaraan ogeysiiyaan qof ay ku kalsoon yihiin oo ka war haya.

#QayladhaanDumar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *