Sheekada 4-aad

Aqoon ayaannu isku lahayn oo waxaas ka maan filayn. Weliba xaas ayuu lahaa. Maalin ayuu ila soo xidhiidhay, waxa uu ii sheegay in shirkadda uu masuulka ka yahay, oo ah mid caan ah oo alaabta carruurta keenta, ay laan ka furanayso Ceerigaabo. In aan kala shaqeeyana wuu iga codsaday. Anigu waan ka cudurdaartay, balse qof kale ayaan ku xidhay.

Sidaas igu muu dayn, wuu igu adkeeyey in aan la shaqeeyo, aqoon fiicanna waan isku lahayn oo caawimo ayuu i weydiistay, waanan ka yeelay ugu dambayn.

Maalintii aan imid goobtii meheraddu ahayd ayaan markiiba dareemay in ay wax khaldan yihiin. Hadallo bilaa macni ah ayuu igu soo tuuray. “Maan moodayn inaad sidan u yar tahay, curdin ku maan moodayn.” Ninkii aan aqaannayba ma aha. Waa marka aan ogaaday in aanay ragga qaar waxba xeerin. Shakigii ayaa igu sii batay. Hal mar ayuu kursigii aan ku fadhiyay, dheeggiisa ku soo fadhiistay. “Waa maxay?” ayaan ku idhi. Jawaabtiisii ilaa maanta ma illoobo. Wuxuu igu yidhi, “Walaalkaa ayaan ahay walaal Nimcoy, i caawi oo intaas yar igu saacid. Waan ku arkaa oo inan yar baad tahay oo aan waxaas fahmayn, laakiin waxa macquul ah in aan shaqo fiican ku siiyo.” Waxa igu adkaatay in aan fahmo saacidaadda uu i weydiisanayo, jidhkayga ayuu rabaa in aan ku caawiyo. Muddadaas uu hadlayo oo dhan, wuu igu soo durkayaa oo gacmihiisu ma joogsanayaan, anna waan iska qabanayaa. Markii aan arkay in uu si toos ah iigu xadgudbayo, ayaan booday. Inaan baxo ayaan damcay, balse gacanta ayuu si xoog ah ii qabtay. Mar keli ah ayuu dhanka gidaarka iila kacay, waanu igu cadaadiyay. Afka ayuu igu dhegay, xoogna wuu ii dhunkaday. Eebbe mahaddii waan ka fakaday oo albaabka ayaan ka booday.

Ninkii aan aqoonta isku lahayn, xaaskana lahaa, shirkadda weyna masuulka ka ahaa, ayaa mar keli ah bahal igu noqday. Waxa aan u qaadan waayey in uu xitaa qiimayn waayey da’dayda yar. Ilaa maanta marka aan arko, waan cabsadaa.

#QayladhaanDumar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *