Qaybta 1-aad

Qaybtan u horreysa ee qorallada taxanaha noqon doona, waxa aynu kaga hadlaynaa afarta calaamadood ee kala ah ta weydiinta (?), ta yaabka/yeedhmada (!), hakadka (,) iyo joogsiga (.). Afartan ayaa ahaa afarta su’aalaha ugu badan ka yimaadeen. Way jiraan dad ay u fudud yihiin, balse si cid kastaaba u fahamto, si waafi ah ayaan isku dayi doonaa in aan u sharraxo.

Calaamadda weydiinta

Waxa aan filayaa in ay tani tahay midda ugu fudud, walow ay jireen dad ay ku adag tahay. Calaamaddan waxa aad isticmaalaysaa oo keliya marka aad dhammaystirto weydiin. Waxa kale oo ay tilmaamaysaa nasasho, sida hakadka oo kale.

Tusaale

• Ma suuqa ayaad u socotaa?
• Adiga iyo Cabdi kee baa weyn?
• Iska warran? ayaan weydiiyey..

Waxa kale oo jirta su’aal dhowr qaybood u qaybsanta.

• Ma adiga ayaa weyn oo ka weyn Cabdi?
• Miyaad aragtay Bustaale iyo walaashii?

Ma qoraysid sidan:

• Ma adiga ayaa weyn? Oo ka weyn cabdi?
• Miyaad aragtay Bustaale? Iyo walaashii?
• Iska warran ayaan weydiiyey?

Calaamadda yaabka/yeedhmada
Calaamaddani way ka isticmaal badan tahay tii hore, waxa aanay gashaa meelo kala duwan. Waxa aad u isticmaali kartaa yaabitaan.

• Al!
• Bisinka!
• Hoognay!
• Cajiib!
• Alla kululaa!

Waxa kale oo aad u isticmaali kartaa rajayn, rabitaan xoog ah amma tilmaamid wax ku qanciyey.

• Wacnaan lahaydaa in aan jannada galo!
• Alla yartaasi fariidsanaa!
• Dhulkaygu udgoonaa!

Waxa kale oo loo isticmaalaa yeedhmo amma dhawaaq dheer.

• Alla waa Cabdi!
• Cumaroow!
• BAABUURKA ISKA JIR! (dhawaaq)
• Weey walaalkay!

Waxa kale oo loo isticmaalaa amarka.

• Orod!
• Joogso!
• Hurdada ka kac!
• Shaahaa ii soo dhiib!

Hakadka

Astaantan ayaa ah midda inta badan dadku ku dhibtoodaan. Waxa aan isku deyi doonaa in sida ugu fudud aan u sharraxo. Hakadka waxa la geliyaa odhaah socota dhexdeeda, taas oo muujinaysa nasasho. Waxa ay kala soocdaa hadal ujeeddo guud wadaaga. Hakadku waxa uu kala sooraa hadal xidhiid gooni ahi ka dhexeeyo, waana sida marka aad hadlayso aad u nasato oo kale. Qof sheekeynaya haddii aad u fiirsato, waxa aad ogaan doontaa meesha hakadka uu geliyey iyo meesha kale.
Waxa kale oo aad hakadka u isticmaali kartaa qurxinta qoraalkaaga. Adiga ayaa dhigaya hakadka halka aad doonto ee macquulka ah. Waxa uu fududaynayaa in ay dadku u akhristaan qoraalkaaga sidii aad rabtay. Waayo waxa aad u muujisay marka uu nasanayo.

• Walaal dadku miyay waasheen, bal eeg siday u socdaan! (Calaamaddan (!) waxa ay imika muujinaysaa yaab)
• Bariiska ma jecli, calooshaa igu xanuunta.
• Sida la ii sheegay, maalintii aan dhashay hooyaday way qoslaysay ayaa la yidhi, weliba qosol keliya maahee jaarkii ayay qosol ku kicisay, miyaanay yaab ahayn?

Waxa ay beddeshaa xidhiidhiyeyaal ay ka mid yihiin ”iyo”, ”amma”, ”mise” iwm.

• Waxaan arkay Cumar, Cismaan, Baashe, Muxumed iyo Nimco.

U fiirso, halkii aad ka qori lahayd ”Cumar iyo Cismaan iyo…”, waxa kaaga qurux badan sidan kor ku xusan. Halkaa waxa kaaga cad in uu hakadku galo marka wax la tirinayo.

FG. Waa in aad isticmaashaa ”iyo” marka aad soo gebogebaynayso tirintaada. Sida u dhaxaysa Muxumed & Nimco oo kale.

• Ma waxa aad jeceshahay midabka casaanka, akhtarka, buluugga, huruudda mise madowga? (Halkan waxa ay gashay booskii ”mise”)
• Fadlan seexo qolka hurdada, fadhiga, madbakha, daaradda amma suuliga. Ha is martiyeyn. (Halkan waxa ay gashay booskii ”amma”)

Waxa aad u isticmaalaysaa in aad muujiso qofka yidhi odhaahda.

• Maanta waan faraxsanahay, ayuu yidhi Mustafe.
• Waar naga tag awoowgaa la gubye, ayay si cadho leh u soo tuurtay.

In aad kala qaybiso odhaah dheer.

• Adigu gaadhiga kaxayso oo carruurta qaad, anna intaan qubeysto ayaan iska seexanayaa.
• Shalay aniga oo suuqa maraya, sownigii intaan sammadaa tegay dhulka ka soo go’ay, miyaanad maqlin?
Waxa kale oo aad u isticmaali kartaa si aad faallo kooban uga bixiso hadal aad qortay.
• Inantii Khadra, tii maalintii aan ku baray, ayaan shalay arkay.

Haddii aanay faallo ku jiri lahayn sidan ayay noqon lahayd: inantii Khadra ayaan shalay arkay.

• Baabuurta yaryar, kuwa saddexda taayir leh, ayaan jecelahay.

Haddii aanay faallo ku jiri lahayn sidan ayay noqon lahayd : baabuurta yaryar ayaan jecelahay.

In aad muujiso qayb weedha ka mid ah oo muhiim ah.

• Maya, maan arkin.
• Cismaan, ila qabo miiska.
• Kuma ayaa suuqa tegaya? – Aniga, adigu iska joog.

Hakadka intaas ayaynu kaga baxaynaa, waxa aan rajaynayaa in aan hab fudud u dhigay sharraxaadda astaantan.

Joogsiga.

Joogsigu wuu ka dhib yar yahay hakadka, marka loo eego maalaha kala duwan ee uu galo. Joogsigu waxa uu soo afmeeraa hadal socday. Odhaah la yidhi amma qoraal wada socday oo ujeeddada guud ka midaysnaa ayuu soo gebogabeeya.

• Madaxaa i xanuunaya.
• Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya.
• Reerkayaga aniga ayaa ugu yar.
• Maalin dhoweyd markii aan Jigjiga tegay, waxaan arkay dad aad u qoslaya oo dhammaantood faraxsan, weliba ciyaalku aad ayay u ciyaarayeen. Markii aan soo dhex galay ciyaartii ayaan ogaaday in dadku heesayeen, markaas ayaan la heesay. Habeenkii oo dhan waannu qoslaynay illaa waagu ka beryo. Qorraxdii ayaannu godka u weydaarannay.

Waxa aan rajaynayaa in aad wax ka faa’iidday qoraalkan. Fadlan faafi (Share) oo la wadaag dadka u baahan.

Qaybta 2-aad

XARFAHA LABANLAABMA

Qaybtan waxa aynu kaga hadli doonnaa qodob aad muhiim u ah, ahna qodob dadka intooda badani siyaabo kala duwan uga boodaan. Waa xeer aad kaaga caawinaya in la fahmo waxa aad ka hadlayso. Qodobkani waxa uu leeyahay afar xeer oo u baahan in sidooda loo xafido, waxayna kala yihiin:

– Xarfaha labanlaabmaa waa toddobada shibbane ee m,n,l,g,r,d iyo b, waxana lagu soo uruuriyaa hawraarta ah ”ma nala garaad baa?”.

– Xarafka labanlaabmaya waa in uu dhawaqiisu adag yahay oo carrabku ku dhegaa marka lagu dhawaaqayo.

– Xarafka labanlaabmayaa ma noqon karo midka ugu dambeeya ereyga. Tusaale ahaan ereyga ”awr” marka uu yahay wadarta, waxa aad dareemi kartaa in ”r”-du labanlaabmayso oo uu carrabku ku dhegayo, balse maaddaama oo ay u dambeyso ereyga, la ma labanlaabayo.

– Xarafka labanlaabmaya waa in uu u dhaxeeyaa laba shaqal. Tusaalaha hore aynu ku noqonno, ”awrtu waa nafley adkaysi badan”. Waxa aad dareemaysaa in ”r”-du ay labanlaabmayso oo uu carrabku ku dhegayo marka lagu dhawaaqayo, balse maaddaama ay aanay u dhaxaynin laba shaqal, ma labanlaabmayso. Ereyada noocaas ah waxa ka mid ah ”aynu, waynaan iwm”. Sida xeerku dhigayo, waa qalad in la qoro ”aynnu, waynnaan iwm”.

Qoraalkan hoose waxa qoray qoraa Maxamed Baashe X. Xasan, waxana uu ku sharraxayaa xarfahan iyo sida loo labanlaabo, isaga oo si qotodheer oo cilmiyaysan u soo gudbinaya.

Mar kasta shibbanayaashaasi ma labanlaami karaan, hase yeeshee waxa lama huraan ah in maraxadaha qaarkood la labanlaabo haddii kale se la gelayo khaladaad waaweyn oo mararka qaarkood dhiillo culus ah marka xagaafka la iska qaadsiiyo ee aan loo ab iyo isir eegin.

Tusaale ahaan, waxa marar badan lala kulmaa war sidan u dhigan:

Caasha waxa loo magacaabay wasiirada caafimaadka. Golaha wasiiradu waxa uu ka kooban yahay sagaal rag ah iyo haweenaydaas.

Caashi waa wasiirad. Marka qodobka “da” la raaciyo waa in ay noqotaa wasiiradda. Haddii aan sidaas la yeelin oo loo qoro wasiirada waxa noqonaysaa wadartii ama jamacii wasiir oo weli isna khalad ku sii jiro oo sida saxani tahay wasiirro = wasiirrada.

Qaybta labaad ee warkeenna oo ku saabsan wasiirrada oo dhan waxa aynu u qornay wasiirada oo dhawaaq ahaan ereygu jabnaanayo haddii aan xarafka “r-da” carrabka lagu adkayn ama aan la shedin, waxaana sax ah in loo qoro “wasiirrada” sida aynu xagga sare ku soo taabannay. Waxa taas u dhiganta labka iyo dheddigga wakiil. Wakiilad x wakiil. Wakiiladda oo ah haweenay waxa qoraalkeedu ka duwan yahay wadarta wakiil oo ah wakiillo oo marka qodobka la raaciyo u dhigmaysawakiillada. Bal ha loo fiirsado kala geddisnaan wakiiladda iyo wakiillada.

Tusaaleyaal kale:

Bog waxa uu mar la macne yahay xaashida ka midka ah buugga, mar kalena waa xubin ka mid ah jidhka gudaha ee aadanaha ama xoolaha. Haddii qodob la raaciyo waxa uu u qormayaa bogga. Haddii aynu labanlaabkaas ka il-duufo waxa soo baxaya boga oo ah hal magaceed (Boga). Hashayadii Boga boggaa laga hayaa/Hashii Boga bogaa laga hayaa.

Labanlaabka ayaa kala duwaya sidaas oo kale macnayaasha ereyadan soo socdana:

Carab carrab la’ ayaa carruurta la cayaarayey markii Cali kubbadda uu Cabdi kubada kaga dhuftay. Cabdi weli kubadaa xanuunaysa ka dib markii ay kubbaddu ka haleeshay. Kubbadda/kubada.

Sallaan buu fuushanaa markii Cali uu salaan wacan na siiyey. Sallaan/salaan

Cadaawe iyo Caddaawe waa laba walaalo ah. Cadaawe waa axmaq aan naxariis lahayn, Caddaawe se ha iska caddaado’e waa mayeedhaan. Caddaawe/Cadaawe.

Durdurrada xajiinta leh durdurada ku dhaafa. Durdurrada/durdurada.

Dhammaan caanaha way dhamaan. Dhammaan/dhamaan.

Barre waa bare Afsoomaaliga dhiga. Barre/bare.

Ammaan-darradu meelna caalamka amaan kama aha ee waa xumaan. Ammaan/amaan.

In marka shibbanuhu labanlaabmayo la gartaa waa wax fudud. Dhawaaqa ayaa dhegta iyo carrabkuba dareemi karaan oo lagu kala saari karaa in ninka Carabka ah ee reer Ciraaq iyo xubinta jidhkiisa ka midka ah ee carrabku ay ku kala duwan yihiin shedka ku dhacaya xarafka “r-da” ee xubinta jidheed ee carrab oo haddii shedku ka baxo noqonaysaa nin ama haweeney Carab ah.
Ereyadan soo socdaa asal ahaan ayay u labanlaabmaan oo isbeddel ku yimi dhismahoodu kuma keenin labanlaabka, waxa se jira ereyo badan oo aan labanlaabmin asalkooda hore, hase yeeshee isbeddel dhismahooda afeed ku yimi uu sababo labanlaabka ku yimaadda.

Kuwa labanlaabkoodu asalka yahay ayaynu ku horrayn,waxana ka mid ah:

1. Magacyada iskood u labanlaabma
B: Kubbad, shibbane, Eebbe, aabbe, Cubbe, Cabbane, Cabban, Caabbi, Dubbe, cabbudh, abbaar, xabbad, dabbaal…..
D: Caddaawe, caddaan, guddoo,n geeddi, waddan, maddane, addin, shiddo, xiddig, addoon,caddaalad, guddi, dheddig, cuddoon, gooddi, waddo, toddoba, siddeed, saddex, Caddib, giddi, geddis, eeddo, ciddi……..
R: Carrab, jirrid, cirro, carro, curri, qorrax, berri, cirrid, Hurre, Barre, farriin, xarriiq, dhiirri, arrin, shirrabaad, jirri, marriin, xirribo, harraad, irrid……
G: Higgaad, hoggaan, higgo, hoggaamiye……….
L: Sallaan, kalluun, ballan, loollan, dillaal, cillaan, illin, falliidh, raalli, faallo, dheelli, heello, dulli, duullimaad, gallad, qallad, ballaadh, shillal, Alle, hallow, balli, fallaadh, kelli, ballac, sallax, doolli, qoolley, qallayl, dhallin, dhalliil, dhallaan, dhiillo, kallahaad, xilli, jillab, Cabdalle, Cabdiillaahi,
M: Dhammaan, ammaan-darro, ummad, qummaati, lammaane, hummaag, ammaano……
N: Bannaan, hannaan, janno, jinni, shinni, Xinnif, gunno, xinne, xannaano, cunnaabi, sannad, doonni, sinnaan, sunne, iwm.

Carrabka ayaa garta oo soo dhufta marka shibbanuhu uu labanlaabmayo. Wax se jira xeerar kale oo qudhoodu hoosta ka xarriiqa oo jid u bixiya in shibbanuhu xaalado gaar ah uu labanlaabmayo marka wax laga beddelo jirriddii ereyga ee asalka ahayd. Marka aynu ka tagno ereyada asal ahaan u labanlaabma sida kuwa sare, waxa aynu labanlaabka shibbane ku yimaadda ku salayn karnaa dhawrkan qodob ee soo socda oo isbeddel dhisme afeed keenay:

2. Magacyada lab ee isirkoodu kelida yahay ee ku dhammaada shibbaneyaasha “b, d, r, l iyo n ” haddii aanay alan keliya ka koobnayn wadartoodu way labanlaabantaa, “o” dabaggelis ahna way qaataan.

Tusaale shibbanaha “b”:

Albaab“-ka” : albaabbo”-ada”, qodob“-ka” : qodobbo”-ada”, qoqob”-ka” : qoqobbo”-ada”, baarqab”-ka” : baarqabbo”-ada”, sacab”-ka” : sacabbo”-ada”, birqaab”-ka” : birqaabbo”-ada”, sambab”-ka” : sambabbo”-ada” iwm. qodobkii lab“ka” waxa uu u wadaroobey dheddig qaata “da”, “o” waxa ay isu beddeshaa “a” sida sambabka : sambabbada.

FG I: ab”-ka” : abab”-ka”, saab”-ka” : saabab”-ka” iwm waa magacyo ka kooban hal alan oo keliya, taas baana ka saaraysa xeerkaas hore. Iyaga isma beddelo isirkoodii labaa, sida saabka :saababka.

FG II: Magacyo faro-ku-tiris ah (xubnaha jidhka u badan) ayaa dariiq kale wadarayntooda la raacin karaa oo xeerkaas hore aan la jid ahayn sidan oo kale: garab”-ka” : garbo”-aha”= garbaha ka mid ah xubnaha jidhka; ama garabka : garabyo “-yada” = garabyada siyaasadda ama jilib-“ka” : jilbo”-aha” = jilbaha xubnaha jidhka ama jilibka : jilibyo”-yada” = jilibyada qabaa’ilka iwm.

Tusaale shibbanaha “d”:

Wadaad”-ka” : wadaaddo “-ada”, garaad”-ka” : garaaddo”-ada”, sharabaad”ka” : sharabaaddo”-ada”iwm.
FG: cod”-ka” : codad”-ka”, cad”-ka” : cadad”-ka”, lud”-ka” : ludad”-ka”, bud”-ka” : budad”-ka” iwm.

Tusaale shibbanaha ”r”

Buraanbur”-ka” : buraamburro”-ada”, geeraar”-ka” : geeraarro”-ada”, nabar”-ka” : nabarro”-ada”, wasiir”-ka” : wasiirro”-ada”, barbar”-ka” : barbarro”-ada”, dhakhtar”-ka” : dhakhtarro”-ada”, durdur”-ka” : durdurro”-ada”, amiir”-ka” : amiirro”-ada”, cudur”-ka” : cudurro”-ada” dakhar”-ka” : dakharro”-ada”, dabar”-ka” : dabarro”-ada” iwm.

FG I: gar”-ka” : garar”-ka”, qar”-ka” : qarar”-ka”, qor”-ka” ; qorar”ka” iwm. waxa ay raacayaan xeerkii magacyada alanka keliya ka koobnaa.

FG II: magacyada shimbir, daruur, bar, buur, habar, daar iwm isirkoodu waa keli dheddig ah oo qaata qodobka dheddigood ee “ta”. Sidaas darteed wadaraytooda shibbanaha “r” ee ay ku dhammaadaan ma labanlaabmo. Tusaale shimbir”-ta” : shimbiro”aha” ama bar”-ta” : baro”-aha”iwm.

Shibbanaha “l”

Qoraal”-ka” : qoraallo “-ada”, dhigaal”-ka” : dhigaallo”-ada”, wakiil”-ka” : wakiillo”-ada”, aqal”-ka” : aqallo”-ada”, alool”-ka” : aloollo”-ada”, qiraal”-ka” : qiraallo”-ada”, dhambaal”-ka” : dhambaallo, qabaal”-ka” : qabaallo”-ada”, gobol”-ka” : gobollo”-ada”, qawlal”-ka” : qawlallo”-ada”, awlal”-ka” : awlallo-“ada” iwm.

Hase yeeshee waxa xeerkaas ka baydhaya magacyada hal alanleyaasha ah ee labka ah ee “l” ku dhammaada sidii aynu horeba ugu soo aragnay kuwa ku dhammaada “b, d ama r”.
Gal”-ka” : galal”-ka”, qol”-ka” : qolal”-ka”, qul”-ka” : qulal”-ka”, dhul”-ka” : dhulal”-ka”, dal”-ka” : dalal”-ka” iwm.

Shibbanaha ”n”

Marin”-ka” : marinno”-ada”, surin”-ka” : surinno”-ada”, duullaan”-ka” : duullaanno”-ada”, degaan”-ka” ; degaanno”-da”, bannaan”ka” : bannaanno”-ada” iwm
Hase yeeshee sidaynu hore u soo aragnay waxa xeerkan diidaya magacyada hal alanleyaasha lab ee “n” ku dhammaada. Tusaale:
Ban”-ka” : banan”-ka”, wan”-ka” : wanan”-ka”, nin”-ka” : niman”-ka”, san”-ka”: sanan”-ka”, waaba”-ka” : waabab”ka” iwm.

Shibbanaha ”m”

Ma jiraan ogaalkayga magacyo Soomaali ah oo xarafka “m” ku dhammaadaa. Hase yeeshee waxa jira macagyo lab oo ku dhammaada “n” oo marka wadaroobayaan “n”-du isu beddesho “m” labanlaabanta. Tusaale:
Qaalin”ka” : qaalimmo”-ada”, qalin”-ka”: qalimmo”-ada”, kulan”-ka” : kulammo”-ada”, inan”-ka” : inammo”-ada iwm.
3. Qodobbada “da iyo ga”
4. Sida qodobbadu ka marag-kacayaan magac kasta oo Afsoomaali ah haddii uu ku dhammaado shibbaneyaasha “d” ama “g” marka uu qodobku (da ama ga) raacayo waxa khasab ah in labanlaab yimaaddo.

Tusaaleyaal “da”

Wasaaradda, dawladda, xukuumadda, Jamhuuriyadda,s iyaasadda, waddaniyadda, dimoqraaddiyadda, daacaadda, madbacadda, qaafiyadda, daaqadda, daasadda, nadaafadda, warqadda, doodda, nabadda, colaadda, niyadda, durriyadda, qabyaaladda, diyaaradda, majarafadda, laambadda, badda, dalladda, maddiibadda, malqacadda, xawaaladda, maaliyadda, shirkadda iwm.

Tusaaleyaal “ga”

Bogga, doogga, diigga, dhiigga, taagga, tuugga, togga, aagga, udugga, saldhigga, unugga, adeegga, edegga, buugga, dheegga, dhuugga, duugga, laagga, mugga, maragga, gundhigga, ruugga, ragga iwm.

5. Magacyada qaata dabaggeliska “-nimo” ee ku dhammaada shaqal sida “i ama a” iyo xarafka “n” iyana waa in dabaggeliskooda “-nimo” ay “n-da” ku jirtaa labanlaabantaa.

Tusaale:

Ragannimo, waddaninnimo, Soomaalinnimo, ninnimo, doqonniimo, qarannimo, walaaltinnimo, qaxootinnimo, qaninnimo, hodannimo, geesinnimo, gunnimo, gobannimo, caasinnimo, muslinnimo iwm.

6. Falka raaca magacuyaallada iyo tilmaameyaasha “annaga, innaga ama idinka waa in “n-da” dabaggeliska ahi had iyo jeer labanlaab ku dhacaa. Magacuyaalka “iyada” ayaa iyana xaaladaha qaar falka raacaa uu labanlaab ku yimaaddaa, gaar ahaan marka uu xarafka “d” ku dhammaado.

Tusaaaleyaal:

• Keenna, teenna, kuweenna ama kiinna, tiinna ama kuwiinna.
• Samaha waannu la safannaa.
• Ardaydeennu waxa badan kama bartaan taariikhdeenna.
• Ubadkiinnu waa aayatiinka dalkiinna.
• Aynu salaadda jamaca wada tukanno iwm.
• Iyadu ha qoddo godka.
• Waxa ay qaadday tallaabo dhinaca fiican ah.

7. Labanlaab mararka qaarkood ku yimaadda ballaadhinta erey lagu sameeyo.

Tusaale:

Bar”-ta” : Barre, dakhar”-ka” : Dakharre, bil”-sha” : bille”-aha”, baal”-ka” : Baalle, jaal”-ka” : jaalle iwm.

8. Ereyada ku dhammaadaama ka bilaabma xarfaha labanlaabma haddii xagga dambe ama hore erey kale lagaga kabo waxa yimaadda labanlaab.

Tusaale:

Taab iyo gal : taabbogal, keeno iyo diid : Keenoddiid, ga’ma iyo diid : Gamaddiid, nabaddoon, nabaddiid, samoddoon iwm.

Aad ayuu u mahadsan yahay qoraa Maxamed Baashe. Waxa aan rajaynayaa in casharkani uu kaa anfici doono fahamka xarfahan. Fadlan adna sii faafi oo gaadhsii cid kasta oo u baahan.

Qaybta 3-aad

Tebinta sheekada

Marka laga tago xeerarka farta iyo naxwaheeda, tebinta sheekadu waa halka lagu kala hadho. Sida ay dadkuba ugu kala duwan yihiin tebinta sheekooyinka afka laga sheego, ayay tan qoraalkana ugu kala duwan yihiin. Dadka qaar ayaad xiiseysaa hadalkooda iyo sida ay kuugu sheekeeyaan, qaarkoodna si kasta oo ay wax xiiso leh uga sheekeynayaan haddana ma danaysid. Maxay tahay sababtu? U fiirso. Ma sheekooyinka ay soo gudbinayaan ayaa kala macaan? Waa maya, waxa laga yaabaa in kan tebintiisu wacan tahay aanu sheeko xiiso lehba haynin. Sirtu waxa ay ku jirtaa jidka loo maro soo-gudbinta sheekada. Soomalidu hore ayay ugu maahmaahday ”Hadalna la kala odhan og, Ilaahayna la kala baryi og”. Imika waxa ay maraysaa ”Sheekana la kala qori og, Ilaahayna la kala baryi og”.

Haddaba sidee loo qoraa sheeko xiiso leh? Sidee ereyada loo xushaa? Dad badan ayaa u haysta in wax waliba hibo yihiin, sidaa darteedna isa ga dhaafay qoraalka. Si kasta oo aad hibo ugu leedahay shay, haddana waa qasab in ay barasho jirto. Waxa dhici karta in qof Ilaahay hibo siiyey oo aan dedaalin uu mid aan hibo u lahayn laakiin aad u dedaalay uu ka badiyo. Markaa naftaada ha saluugin ee dedaal dheeri ah samee.
Su’aashu waxa ay tahay, sidee loo qoraa sheeko xiiso gelisa akhristaha. Waxa aan rajayn lahaa in aan jawaab kooban hayo, balse ma jirto jawaab noocaas ahi. Kun qodob oo la’isku miisaamay ayaa sheeko fiican dhaliya. Qodobka koowaad ayaynu soo qaadanaynaaa maanta.

Sharraxaadda goobta.

Qodobkani waxa uu aad muhiim ugu yahay akhristaha. Waa qodobka sheekadaada ka dhiga mid xaqiiqada u eeg. Wax kasta oo aad ka sheekeynaysaa goob ayay ku sugan yihiin, sow maaha? Dadku dhul ayay ku taagan yihiin, haddii ay duulayaanna diyaarad ayay dhex fadhiyaan. Guryuhu midabyo ayay leeyihiin, midabka laftiisa ayaa kala foolxun oo kala cusub. Haddii shan guri oo isku xiga ay afar ka mid ah midabkoodu cagaar yahay, midka shanaadna uu madow yahay oo aad soo gudbin weydo, waxaad ogaataa in aad sheekadaada kala dhantaashay. Waayo midabkaa madoobi wax badan ayuu ka sheegayaa reerka gurigaa ku nool. Waa tusaale keliya. Tusaale kale aan ku siiyo, qolkaaga aad habeenkii seexato adiga ayuun baa og sida uu u eeg yahay, haddii aad istidhaahdo ka sheekee waxa laga yaabaa in aad si fudud u dul marto waayo maskaxdaada ayuu kuugu jiraa oo way kuu fududdahay adiga, laakiin aniga oo akhriste ahi ma ogaan karo albaabkaagu in uu xidhmo iyo in kale. Ma ogaan karo in dhulku qabow yahay iyo in kale. Waxa aan uga socdaa, ha dhayalsannin sharraxaadda goobta ay sheekadu ka dhacayso. Akhriste ahaan waxa ay tani kuu fududaynaysaa in aad dareento in aad la joogto dadka laga sheekeynayo, balse haddii aad aayar dul marto way adkaanaysaa in aad fahamto waxa laga hadlayo.

Qodobkan waa lagu kala xariifsan yahay, dadka qaar sawir guud ayay ka bixiyaan goobta, qaarkoodna way ku dheeraadaan. Qoraayada qaar ayaa dhowr bog ku sharraxa qol yar oo hal miis dhex yaallo. Halkan waxa muhiim ah in aad hesho meel dhexaad. Haddii aad si aad ah u gaabiso, akhristihii ayaad indhaha qabatay, haddii aad si aad ah u dheereysana, caajis ayaad ku ridday. Akhristuhu waxa uu doonayaa in ay wax dhacaan, ma rabo in aad maanta dhan ku xiijiso wax aad soo gaabin karto.
U fiirso labadan tusaale.

1. Kaabadaha kor ii so eegaya ayaan kolba mid ku joogsaday, albaabka sida qaabka daran u go’an ayaan ka foorarsaday intaanan dhanka midig u leexan kahor, buuq aloosan ayaan sii dhex jiidhay si aan ugu hagaago kursigaygii oo isii sugayey. Diyaarad weyn ayay ahayd.

2. Waqooyi iyo koonfur dhir ayaa biyahan kaga hagoogan, dhanka bari aniga ayaa taagnaa, dhankiisa kalena qorraxda ayaa kambadhuudhay.

Waa laba tusaale oo kuu sheegaya habka aad ku bilaabi karto sharraxaadda. Tusaalaha koowaad haddii aad u fiirsato, waxa lagaaga sheekeeyey meel aanad ogeyn waxa ay tahay, dhammaadkana waxa laguugu meeshu in ay diyaarad ahayd. Habkani waxa uu fiican yahay haddii aad soo gaabinayso oo aanad aad u dheereynayn. Haddii aad dheereyso oo aad gadaal ka sheegto goobta, waxa dhici karta in xiisuhu hoos u dhaco. Waxa ay ku wanaagsan tahay in aanad aad u dheereyn oo aad sidaa kaga gudubto.

Tusaalaha labaad u fiirso, bilowgaba waxa laguu sheegey goobtu in ay tahay gal biyo ah amma har. Waxa kale oo laguu sheegey oo keliya dhowr qodob oo muhiim ah, sawir guud oo aad adigu akhriste ahaan qurxisan karto ayaa lagu siiyey. Kaddibna kolba sheekadu marka ay sii socoto ayaad sharraxaad saa’id ah sii bixin kartaa adiga oo adeegsanaya dareemada kala duwan ee qofka. Habkan dambe ayaan ka doorbidaa habka hore.

Waxa muhiim ah in aad ogaato, mar kasta oo aad sii sharraxdo goobta, waxa aad soo koobaysaa awooddii akhristaha ee uu wax ku sawiranayay. Waa in aanad wax kasta si qoto dheer uga sheekeynin, waayo akhristuhu ma helayo wax uu ka fikiro haddii aad sidaa yeesho. Bal u fiirso, imika waxaynu tusaalaha labaad ku sheegnay sidan, ”…dhankiisa kalena qorraxda ayaa kambadhuudhay.” Akhristaha u maad sheegin dhanka kale in uu galbeed yahay, balse qoraalka ayuu kala soo dhex baxayaa, waxa kale oo uu akhristuhu fahmay in ay galab ahayd, taana si kale ayaad ugu sheegtay. Qoraallada dambe ayaynu habka noocaas ah si qoto dheer uga sheekeyn doonnaa. Akhristaha u maad sheegin biyuhu in ay qabow yihiin iyo in ay kulul yihiin, u maad sheegin in kalluun meesha ku jiro, inta ay baaxaddeedu le’eg tahay iwm. Waxyaabahaas oo dhan isaga ayaa akhrituhu sawirnaya, balse mar kasta oo aad u sheegto wax aanu ogeyn, waxa soo yaraanaysa wixii uu isagu sawiran lahaa. Waa in aad sheegto in ku filan fahamka goobta balse aad akhristahana wax uga tagto.

Waxa jira dhowr siyaabood oo aad dadka ugu soo gudbin karto arrintan, mar adiga ayaa sharrixi kara goobta, sida tusaaleyaasha kore ku xusan oo kale, marna si dadban ayaad u soo gudbin kartaa adiga oo adeegsanaya dadka aad ka sheekeynayso. Tusaale ahaan miis ayaa la fadhiyaa, cunto midabyo badan ayaa miiska saaran. Cuntadaas waad ka sheekeyn kartaa sida ay u eeg tahay, balse ka ma sheekeyn kartid dhadhankeeda. Haddii uu basbaasku ku badan yahay, sideed u soo gudbinaysaa? Intii aad odhan lahayd ”way kululayd”, waxa kaaga qurux badan adiga oo dadka sheekada ku jira mid ka mid ah dhadhansiiya. ”Dhulka ayaa kala dheer” intii aad odhan lahayd, qof ha kufo.

Waxa jira dabin lagu dhaco marka aad sheeko qorayso, maaddaama oo aad sharraxayso goob walba oo ay wax ka dhacayaan, waxa dhacda in qofku si isku mid ah uu mar walba wax u sharraxo. Taas in aad ka digtoonaado ayaa habboon. Haddii aad gurigiina si gaar ah uga sheekeysay, ka saaxiibkaana si kale uga sheekee. Isku day oo tijaabi!

Waxa inta badan dhacda in laba qof oo wada socdaa ay goob isku mid ah sawirro kala duwan ka qaataan. Sidaas daraaddeed isku day in aad soo gudbiso in qof waliba si gaar ah u fahmay, waa haddii ay micno gaar ah u leedahay sheekada.
Tijaabadan samee, isku day in aad ka sheekeyso qolka aad seexato, meel kale oo aad keligaa si fiican u taqaanno, kaddibna qoraalka u dhiib qof kale. Qofkaasi marka uu akhriyo kaddib, ha kuu sharraxo sida uu u fahmay. Sawirkaa uu bixiyey ma yahay kii aad doonaysay in laga qaato sharraxaaddaada? Ku celceli illaa inta aad ogaanayso sida ugu habboon. Marka aad intaa dhammayso, isku day in aad dhowr jid u marto sharraxaadda adiga oo adeegsanaya shanta dareem ee qofka, sida aragga, maqalka, urta, taabashada iyo dhadhanka.

Qaybta 4-aad

Shakhsiyadaha sheekhada.

Waxa aynu hore u soo sheegnay in dhowr dhadhaar oo la mideeyo ay sheekadu ka kooban tahay. Haddaba dadka sheekadaada ku jiraa sidee ayay u saameeyaan sheekada? Gaar ahaan xubnaha muhiimka ah.

Dadka sheekada ku jira ayaa ah qayb ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee sheeko u yeeli kara xiiso gaar ah. Si kasta oo aad u hayso sheeko xiiso badan, haddii aanay xubnaha sheekada ku jiraa ahayn kuwo dadka soo jiita, sheekadaasi xiiso ma yeelato. Haddaba laba ayay u kala baxdaa, sheeko dhab ah oo dadka ku jiraa yihiin dad nool iyo sheeko malo-awaal ah oo aad adigu dhisayso shakhsiyadahooda. Waxa aad is odhan kartaa sheekada dhabta ahi u ma baahna in aad looga fikiro shakhsiyadaha ay ku socoto. Balse waa qalad. Keli ah waxa kuu diyaarsan dadka iyo dabeecadahooda, balse soo-bandhigiddooda ayaa dushaada saaran. Qaybta malo-awaalka ah aynu u gudubno. Sheeko aan hore u dhicin ayaad madaxaaga ku samaynaysaa, dad aanad aqoonna way ku jiri doonaan. Haddaba sidee ayaa loo abuuraa shakhsiyad la rumaysan karo? Halkani waa barta ay ku kala hadhaan dadku. Waxa muhiim ah in aad adigu aqoon u yeelato qofkan, waayo hore u maad aqoon sow maaha? Qofkan magacii, da’diisu waa imisa, waalidkiisa magicii, ubad miyuu la dhashay? Waa su’aalaha u horreeya ee la is weydiiyo. Su’aalo dhisaya qalfoof meel taagan, balse aan weli dhammaystirnayn. Haddaba si qalfoofkaa loo buuxiyo, qoraayadu jidad kala duwan ayay qaadaan.

Ka soo qaad in aad sheeko ka curinayso gabadh keligeed ku nool meel duur ah oo aan cid kale ka ag dhoweyn. Inta aanad dadka u bilaabin sheekada, gabadhan soo baro adigu. Is weydii su’aalaha ah ”maxay cidlada u degtay, maxaa ku kellifay, geesinimada xaggee ayay ka keentay?”. Halkaa waxa kaaga soo baxaya dabeecado aanad hore u ogeyn. Ismaaciil ahaan sidan ayaan sameeyaa: qodobayn.

Magaca:
Da’da:
Aabbeheed:
Hooyadeed:
La dhashay:
Ku hammidaa:
Jeceshahay:
Neceb tahay:
Ku faraxdaa:
Ka xanaaqdaa:

Liiskani ma aha mid dhammaad leh, kolba shakhsiyadda aad dhisayso iyo deegaanka ay ku nooshahay ayaad ku salaynaysaa. Gabadhan oo kale waxa liiskeeda soo geli lahaa qodob odhanaya ”markii ay ugu darnayd”, amma ”libaax ka soo hor baxay”. Halkaas oo aad ku sharraxayso sidii ay uga gudubtay caqabadahaas. Taasi waxa ay ku tusaysaa weji cusub oo ay gabadhii yeelatay. Sii wad oo xaalado kala duwan dhex dhig, reer kale jaarkeeda soo deji, kaddibna ka fikir sida ay dareento. Qodobbadan oo dhan iyo kuwo kale oo aad ka fikirtayba meel ku qoro. Diiwaangelinta noocan ahi dhowr jeer ayay ku caawin doontaa, in aad dhisto qof la rumaysan karo oo aan ahayn qalfoof meel taagan iyo in aad dib ugu soo noqon karto hadhow marka aad sheekada bilowdo oo uu waxyaabo badan kaa caawiyo.

Mid maskaxda ku hay, dabeecadaha uu qofkani leeyahay waa in ay ahaadaan kuwo macno u samaynaya sheekada.

Waxa jira dabin lagu dhaco, gaar ahaan marka la dhisayo shakhsiyad ad-adag oo aan nixin. Haddii ay sheekadaadu ku saabsan tahay boqor macangag ah oo dadka qudha ka jara, waxa hubaal ah in aad ka sheekayn doonto inta ay ma-naxaannimadiisu gaadhsiisan tahay. Tani waxa ay qofka ka dhigtaa bir meel taagan oo aan dareen lahayn, qof bashar ahna ma noqdo. Haddaba si kasta oo uu u ad-adag yahay qofku, isku day in aad siiso sifo ka dhigta bani’aadam. Bal u fiirso filimaanta ay atoorayaashu khatarta yihiin oo dhan, waxa jira meel ay u jilicsan yihiin. Buug kasta oo lagaga hadlayo nin amma naag balaayo ah, meel uu u liito ayaa jirta. Haddii kale xiiso ma yeelanayo. Markaa boqorkaagan dadka qudha ka jaraa waa in uu bisadaha ka baqaa, tusaale ahaan.

Bandhigga shakhsiyadda.

Marka aad abuurto shakhsiyad aan jirin, aadna aad u deristay dabeecadaha kala duwan ee uu qofkaasi leeyahay, sidee ayaad dadka ugu soo bandhigaysaa. Laba hab ayay dadku isticmaalaan. In mar kasta oo uu qof cusub sheekada soo galo, qofkaa la sharraxo bilow illaa dhammaad, dabeecadahooda iyo sooyaalkooda oo dhan. Amma in inta aad inyar oo sooyaalkiisa ah aad qaddinto, kaddibna aad dhacdooyinka sheekada ku jiraa ay sifeeyaan qofkan adiga oo isticmaalaya liiskii dheeraa ee aad hore u soo qortay. Gabadhii keligeed cidlada degganayd, haddii iyada oo xaabo doonanaysa ay la kulanto nin aad u qurux badan si lama filaan ah, maxay yeeli lahayd? Dhacdo noocaas ah haddii aad sheekada ku dhex darto, waxa aad kaga warrami lahayd dabeecad ka mid ah kuwii kuu qornaa ee aad hore u soo diyaarsatay. Habkan dambe ayaan xiiseeyaa, isaga ayaana ugu qurux badan fikirkayga. Maxay kula tahay?

Isku day

Imika adigu isku day in aad dhisto shakhsiyado aan jirin. Sidan samee: dooro saddex qof oo asxaabtaada ka mid ah. Mid kasta ka qor warqad badhkeed oo sifooyinkiisa/sifooyinkeeda ah. Iska dhig in aad qof kale oo aan iyaga aqoon u lahayn u sharraxayso. Marka aad dhammayso, saddex qof oo kale oo aanad aqoon u lahayn soo hel. Saddexdaana sharraxaad ka bixi sida ay kuu la muuqdaan. Imika waxa aad haysataa lix qof oo aad sifooyinkooda tilmaamtay. Haddaba lixdaa qof isku qas, magacyada asxaabtaada la doono sakhsiyadaha saddexda kale. Kolba mid shakhsiyad kale ku lifaaq, maxaa kuu soo baxay? Hambalyo, shakhsiyado cusub ayaad abuurtay!

Comments (5)
  1. Aad iyo waxa aan qoraalkan uga helay si’ aad ah. Inyar aniga iyo akhristaha anfaceysana aan kuu raaciyo Ismaaciilow. Maaddaama qoraalku uu dheer yahay, mar kale na yahay cilmiga barashada higgaadda Af-Somaaliga, waxaa ila habboon in qeybta dambe ee qoraalka aad soo raaciso isaga oo PDF ah, si’ akhristuhu uu ula degi karo waqti badanna uu dib u akhrisan karo. Dadka boggaaga feysbuugga iyo rukuntay website-kaagan ayaan ka mid ahay. laahay ha ku sharfo ustaad. Mahadsanid.

  2. Mahadsanid, barnaamijkani waa mid xiiso gaar ah ii leh, qoraal curintana ku caawinaya qofkaste oo doonaya qurxinta hab qoraalkiisa.

    Waxa kale oo ku jira shaqo gelin qoraaleed iyo barasho hab samaynta iyo sharaxaad ka bixinta shakhsiyaad aad garanayso iyo kuwo cusuba.

  3. Ustaad Ismaaciil Cabdillaahi, ka shaqsi ahaan anigu wax badan ayaan kaa faa’iday. Haba ugu horrayso hab qoraalka oo aan maalin kasta wax kaa korodhsado. Mahadsanid walaal.

    AHUN, Maxamed Baashe. Aamiin

  4. Ustaad Ismaaciil Cabdillaahi, ka shaqsi ahaan aniga waxaad iga caawisay hab qoraalka. Waan hubaa in ay wali wax badan iga dhiman yihiin, balse qormooyinkaygii ayaad qurxisay. Alle haku sharfo walaal.

    AHUN, Maxamed Baashe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *