Duco iyo habaar

Markii u horreysay ayaan dalka imid. Magaalada oo keli ah maan baran, isaguna wuu i soo dhoweeyey. Afar toddobaad oo aan joogay, waxa ii san oo dhan ayuu ka talinaayey. Wiil dhisan, aqoon ahaan, akhlaaq ahaan oo shaqo wacan haysta ayuu ahaa. Waan ka helay isaga iyo inta ku wareegsanba, se walaalnimo waxba ii ma dheerayn. Balse isaga, isaga wax baa u laabnaa.

Maalintii uu dareenkiisa ii soo bandhigay, walow aan filayey, haddana way igu cuslaatay. Aniga oo aan xidhiidh qof kale diyaar u ahayn, shaqadan dalka i keentay oo aan ku cusbaa, ragga laftooda oo aan iska ilaalinayey, waxaas oo dhan ayuu waayey meel uu ka maro. Jawaabtii caanka ahayd ayuu isna iga helay. Aan ka soo fikiro.

Waa jawaabta rejooyinka ka dambeeya ay ka mid yihiin in qofku qof kale helo oo uu kaa maarmo, in uu ku illoobo ama kaa quusto. Intaas midna may dhicin. Markii labaad, muddo ka dib, markii uu i weydiiyey, waan oggolaaday. Culusaa marka qof kale kugu xidhan yahay. Fududaa marka qofkaasi aad isku meel ka xidhan tihiin. Nasiibdarro, xadhko kale ayaa ku xidhnaa.

Nairobi ayaannu ku kulmi jirnay marka aannu firaaqo yeellanno. Waxa aan u bogi jirey sida uu magaalada u soo geli jirey, isaga oo aan ii sii sheegin. ”Waan imid, xaggeed joogtaa?” Waa farriimaha aan u jeclaa. Ilaa markii dambe wax kale igaga soo baxeen.

Maalintaas waxaan u sheegay in haleelkaygu yar yahay, berrina aannu kulanno. Wuxuu ii sheegay in aanu sugi karin, khasabna ay tahay in aannu imika is aragno. Waan ka yeelay, wax kastana waan baajiyey.

Dadka qaar inta aanay hadlin, wejigooda ayuu ka muuqdaa mawduuca ay soo wataan. Isaga ilaa joogsiga u dambeeya ayaa foodda kaga qornaa. Wuu bilaabay. Waan dhegaystay. Toban daqiiqo ka dibna, laba qof oo aan is heli doonin ayaannu noqonnay. Dumarka uun baa lagu odhan jirey, ”Duco iyo habaar kala dooro.” Waa casri cusub iyo odhaah dadkii loo sameeyey aanay noolayn qarniyadii u dambeysay. In uu ii la soo fadhiisto hadal noocaas ah oo ay hooyadii ku tidhi, markii ay inanta qoyska ah ku lahayd guurso, ka ma xanaaqin, mana qaylin, waan se ka niyad jabay. Maan filayn in uu talo i weydiiyo. Waxa ay ahayd in uu ii sheegto in uu aniga i doortay. Taladii waan siiyey, waxaanan ku idhi:

Hooyadaa raalli geli, iyada rabitaankeeda u raac, anigana iska kay illow.

Qayb iga mid ah ayaa filaysay in uu yidhaahdo, ”Maya, adigaan ku doonayaa oo aan ku dooranayaa.” Waan hungoobay.

Maanta waxaan Ilaahay ugu mahad naqayaa in uu i dhaafiyey, waayo nin intaa ka go’aan adag ayaan rabaa in uu hooyaday iga kaxaysto. Waan u duceeyey, in Ilaahay u barakeeyo, la ma se aqbalin. Dhawr bilood ka dib way kala tageen. Haa, sida aad filayso, wuu ii soo noqday. Balse markan, aniga ayaa is doortay, waanan ka diiday.

Sideedaba nolosha culayskeeda waxa qaadi kara oo keli jidh og meesha uu u xoog weyn yahay. Walaalkay waxa uu rarku kaga dhacay sinta uu u nugul yahay.

#WaaLaygaGuursaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *