Waxa aan dhegaystay barnaamijkii ”Tufaaxii Aan Tirsaday” ee Codka Ubax. Way dhacdaa in qofku la kulmo qof ay naftu ka raacdo, dibna aanay u kulmin. Qisadaasi waxa ay i soo xasuusisay mid aniga igu dhacday. Nin bajaaj ila raacay ayaa i dhex qaaday.

Habeen ayaan ku soo raagay saaxiibadday oo aan booqasho ugu tegay. Goor dambe ayay ahayd. Waa wakhtiyada aanay badnayn, se dirqi ayaan bajaaj ku helay. Waxa waday nin qiyaastii soddonka kor u dhaafay oo furfuran. Roob yar ayaa tiixayay, dhaxantuna waxay ahayd nooca ku dareensiisa tayada maryaha aad maanta dhan ku xarragoonaysay. Aniga oo la yaabban in aanay cid kale oo ila raacdaa waddooyinka taagnayn, ayuu ninkii mar keli ah joogsaday. Aniga oo dhaxmoonaya ayaan ku idhi, ”Walaal waa dhaxane maxaad u joogsatay?” Wuxuu yidhi, ”Walaal qof baa gacanta ii taagay ee i yar sug.” Maan garan karayn nin iyo gabadh waxa uu ahaa, se markii uu soo dhowaaday ayuu cadarkiisu i qaatay. Dhaxantii oo aad mooddo in ay iga duushay ayaan eegay qofkan udgoon, aniga oo madaxa kala dhacaya bajaajta. Waa nin aad mooddo in la ila sugayay caawa dhan. Garan cad ayuu xidhnaa, malaha dhaxantu maba karto isaga. Midabkiisu casaan, caddaan xiga ayuu ahaa. Gadhka si wacan oo aan jeclahay ayuu u soo goostay. Madaxa ayaan degdeg ula soo noqday aniga oo wax kale oo aan dhaxan ahayn dareemaya.

Haddaba inankii waa kan oo wuu soo koray bajaajtii, yaa la hadlaya? Gabadhu si kasta oo ay u rabto ninka, way ku adag tahay dhaqankeenna in ay la hadasho nin ay ka heshay. Urtaas uun aan nuugo. Telefoon ayaa u soo dhacay. Wuxuu weydiiyay xilliga ay ciyaartu soo dhacayso. Waxa kale oo uu yidhi, “Haye, guriga ayaan jaakad ka soo qaadanayaaye, waan imanayaa.” In yar ka dibba “ii joog” ayuu yidhi. Naxdin weynaa. Dirawalkii ayay dhawr weedhood is weydaarsadeen, weedho ay fahmayaan uun dadka Zaadka isticmaalaa. Ma iga haysaa, iyo haa, ayay ku kala tageen. Markii uu naga degay ayaan sidaa u sii eegay. Ma qaban kartid, ma joojin kartid, waxba ma odhan kartid. Wacnaan lahaydaa annaga oo is baranna caawa. Jewigaa deggan uu magaciisa ii sheego, anna aan kayga kaga beddesho. Wacnaan lahaydaa annagoo ku kala tagna ”waynu soo wada xidhiidhaynaa.” Laakiin may dhicin, waayo aniga uun bay igu koobnayd.

Haddaba, weli is maan dhiibin. Weligayba is ma dhiibin. Gaar ahaan marka aan sidan oo kale wax weyn u rabo, maskaxdu qalbiga ayay daba gashaa. Fikir ayaan keenay. Inanku Zaad ayuu lacagta ku diray, taas oo ka dhigan dirawalku wuxuu hayaa lambarkii inanka. Haddaba waa in aan lambarkaa ka helo dirawalka, haddaba sideen sameeyaa. Ninkii ayaan tab iyo xeelad isugu daray si aan lambarka uga helo. Kolley nin weyn ayuu ahaayoo, wuu i fahmay. Lambarkiina inta uu eegay ayuu i siiyay. Haddaan inankii waayay, lambarkiisii ayaan la hoday.

Mushkiladdu haddaba waxa ay ka taagan tahay sida aan ula hadlayo iyo waxa aan ku odhanayo marka uu ii jawaabo. Arrintaasi waxa ay u baahatay in dadka loo badsado. Markiiba waxa aan la xidhiidhay labadaydii asxaabta ahaa ee Sucdi iyo Malyuun. Sucdi ayaan markiiba helay. Waxaan ku idhi, naa nin ay naftaydu raacday ayaan caawa soo arkay, u malayn maayo in uu magaalada u dhashay oo qof cusub ayuu u ekaa, naa walaal Sucdiyey sideen ninkii ku helaa? Way igu qososhay dhawr jeer, anna intaas uun baan ku celceliyaa. Markii dambe ayay igu tidhi, naa dee anigu xaggeen ninka ka keenaa. Orod iga tag telefoonka ha iga mashquuline, khad baan ku jiraaye. Waan uga baxay, waxa se iga bixi la’ dareen aanan garanayn sida uu ku samaysmay oo xoog weyn. Maskaxdaydu inankii uun bay ka fikiraysaa, way iigu soo celcelinaysaa. Malyuun ayaan haddana la hadlay. In yar ka dibna meel baannu isugu nimid khadka oo aannu ka wada hadalnay saddexdayadii. Ninkii iyo tilmaamihiisii ayaan uga warramay. Inuu wax kale ahaa ayaan u sheegay. Sucdi ayaa tidhi, naa ninku haddii uu halkaa ku degay, adna waadiga leh hore u maan arkin oo magaalada wuu ku cusub yahay, waxa uu noqon karaa dhakhaatiirta magaalada ee deggan xaafadda halkaas ee jidka ku soo jeedda. Lambarkiisii ayaannu markiiba Zaadka ku eegnay. Waxa soo baxay magiciisii oo dhammaystiran, Khadar. Naanays ayaa u dambaysay magaca awowgii, oo malaha reerkooda ayaa naanaystaa la yidhaa. Malyuun ayaa tidhi, naa i suga anaa soo helayee. Naanaystii ayay ku baadhay Facebook-ga. Markiiba way soo heshay, haddana Instagram-ka ayay ka eegtay, way soo heshay. Waxa noo soo baxday in uu magaalada u dhashay, yahayna digtoor guud oo dhakhtarka ka shaqeeya.

Anigu inankii waan rabaa oo ka ma joogi karo, haddana la ma hadli karo, maxaan sameeyaa? Waxaan is idhi haddii aad la hadasho, billee uu ku yidhaa, maxaad ahayd? Billee uu yidhaa, sorry reer baan leeyahay. Billee uu ii jawaabi waayaaba. Talaa igu caddaatay. Sababta ay Sucdi iyo Malyuun asxaabtayda u yihiin ayay ka mid tahay in ay fikirka mucjiso ku yihiin. Waxa ay soo jeediyeen in aan dhakhtarka booqdo oo aan bukaan iska dhigo. Sidaasna aa kula kulmo. Habeenkii oo dhan waxaan ka fikirayay xanuun aan sheegto. Haddana waan ku dhici waayay. Indhihiisii cadcaddaa ee aan habeenkii arkayay ma soo hor fadhiisan karo. Xal kale keena, ayaan ku idhi. Markaas ayay fikir kale keeneen.

Waxa jirtay gabadh kale oo aannu asxaab nahay oo uur lahayd. Waxa ay yidhaahdeen, annaga ayaa u tegayna oo xaamilada kaxaynayna, sidaasna ninka kuugu soo eegayna. Way tageen oo anigu ma raaci karo, waan ka baqayaa. Markii ay soo noqdeen ayay ammaan isaga ah igu dul fureen. Nin yar oo wanaagsan, akhlaaq leh oo si edaab leh u shaqaysanaya. Arrintaasi aniga i may caawin, dareenkii uun bay igu sii kordhisay. Inantii uurka lahaydna maalin heblaayo ayaad umulaysaa ayuu ku yidhi. Sidii ayay u dhacday oo isla maalintii ayay umushay. Waa nin xitaa saadaashiisu saxan tahay. Sucdi iyo Malyuun ayaan ku idhi, maxaan idin lahaa?

Doodo dhaadheer iyo hablihii oo aan nafta ka qabtay dhawr maalmood oo kale ka dib, maalin ayaan samaystay Whatsapp lambar kale ah. Aniga oo gariiraya ayaan salaan u diray, wuu iga qaaday. Ilaa qoraalkiisa ayaa ka dadka kale ka qurux badan. Wuxuu i weydiiyay halka aan lambarka ka keenay. Wuxuu u qaatay in aan ku ciyaarayo. Waa in aanu khalad ii fahmin. Markaas ayaan ku idhi, waxaan kuugu imid dhakhtarka aniga oo wada qof bukaan ah. Sidaas ayaan lambarkaaga ku helay. Wuu iga awood weyn yahay, waan baqayaa inta aan la hadlayo. Magaca bukaanka ii sheeg, ayuu igu yidhi. Wuu shakiyay. Anigu run ma sheegi karo oo waan ka baqayaa. Hadalkaasi wuxuu ku dhammaaday inuu dhigo telefoonka, lambarkaygana block saaro.

Dhawr maalmood ka dib oo aan weli sidii ahay, xiisihiisii iyo rabitaankiisiina igu sii kordheen, ayaan subax ku soo toosay farriimaha iiga yimid Sucdi iyo Malyuun. Waa sawirro Khadar ah. Waa meherkiisii.

Waan jeclaan lahaa caawa isaga oo aan reer lahayn in uu sheekadan akhristo, se may dhicin. Ilaahay qoyskiisa ha u barakeeyo.

Comments (2)
Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *