Kaftan iyo ciyaar ayaan u haystay, caawa se hortiisa ayaa la i joojiyey. Dhabarkayga waxa jira mugdi, hortaydana waxa qotoma cisbitaalka jacaylka. Dib innoo celi dhowr saacadood.

Magaalada wax yar kahor ayuu waagu u baryey, anigu se xalay ma aan gam’in. Qorrax aan raagsanayey ayaa guurguurad godkeeda kaga soo baxday. Subaxan saaka ah, bisha kow iyo tobnaad waa sagaal, sannadka 2015-ka. Sidii ilmo jooga subax ciideed, ayaan kor u booday. Wax aan soddon daqiiqo dhammayn ayaan guriga kaga baxay. Farxad cagaha ayaa i gariiraya. In aan muujiyana ma rabo. Ayeeyo oo i weydiisay waxa i haya saaka, ayaan “waxba” ugu jawaabay. Maxaan ku odhan lahaa? “Cisbitaalka jacaylka ayaan soo arkayaa”? Waxaan hubaa inay waalli i qori lahayd.

Qabow magaalada dul jiifay oo sii qaxaya ayaan jidka lambar kow ku soo dhaadhacay. Dhowr gaadhi oo jidka luudayey ayaan xuf ku dhaafay. Bartii uu fadhiisan jirey, halkii uu shaaha ka cabbi jirey, ayaan ku hagaagey. Ishayda ayaa ku dhacday, aniga oo aan baabuurka istaajin. Galaan uu goror yari ku hadhsanaa ayaa hortiisa yaalla. Waan ku soo dhaqaaqay, i ma arkayo. Shan tallaabo marka aan u jiro, ayuu kor uga toosay buug uu ku foorarey. Waan is gacanqaadnay, i soo dhoweeyey, shaahna ii dalbay.

Axmed Deeq waxa uu ka mid yahay hoggaanka cisbitaalka jacaylka. Wax badan ayuu iiga warramay adeeggan dalka ku cusub iyo shaqooyinka ay qabtaan. Waxyaabo badan oo uu ii sheegay ayaa iga degi waayey. Waa sababta keentay in aan ka dalbado booqashada goobtan. Axmed isaga ayaa i kaxayn doona. Walow aannu ballansanayn, haddana waxaan dareemayaa in aanu i filanayn imika.

“Axmed, bal warran.”
“Waa nimco Allee bal ii warran.”

Buuggii ayuu laabtay, isaga oo jawaab iga dhowraya.

Dee inna mari, meeshii i gee, ayaan ku idhi intaan is hayn kari waayey.
“Dee walaal cisbitaalku ma furna imika.”
“Hee?”
“Habeenkii ayuu shaqeeyaa.”

Ciil weynaa. Bilaash baan cadar isa ga soo buuxiyey. Dhowr jeer oo uu hoos u qoslayna, show shaadhkaygan cas ayuu ka maadsanayey. Waxaan damcay in aan wakhtiga ka faa’ideysto.

“Wax iiga sheeg bal cisbitaalkan Axmedow.”
“Niyow meeshu horto ka ma duwana goobaha kale ee wax lagu daweeyo. Qof liita ayaa imanaya, amma qaraabadiisa ayaa keenaysa, deedna waa la baadhayaa. Baadhitaan kaddibna dee wixii ay dawadiisu noqoto ayaa loo qorayaa.”

Cajiib. Si kasta oo aan u rabo in aan rumaysto, haddana qayb iga mid ah ayaa diiddan macluumaadkan. Weli cid ku caafimaadday ma aragtay? ayaan weydiiyey.

“Haa, anigaygan kula hadlaya.”
“Miyaad.. Yacnii waad.. Haye?”
“Haa, bukaan baan ahaa. Ilaahay ayaa dawo iga siiyey.”
“Markaa waad caafimaadday imika?”
“Alla haa, afar cisho kahor ayuu arooskaygii ahaa.”

Runtii maan ogeyn in uu bukaan ahaa. Taasi waxay ii fududaysay in aan warbixin dheeri ah isaga ka helo, maaddaama oo uu soo arkay adeegga goobtan. Imika waxa loo doortay madaxa xidhiidhka dadweynaha. Waa wejiga uu cisbitaalku leeyahay. In kasta oo ay sagaalkii subaxnimo ahayd, haddana waxa uu ii sheegay in uu hoyanayo, waxaannu ila ballamay caawa salaada cishaa’i kaddib iyo kadinka galbeed ee magaalada. Kolley ma uu hoyanayne, su’aalahaan ku badiyey.

Ma garanayo in aan afar ragcadood tukaday, iyo inaan mid ka booday toona. Allow aqbal. Waan isa soo giijiyey. Dhexda oo aanan weligey ka xidhan ayaan beel ku qabtay. Laba quraaradood oo cadar ahna waan isku soo jebiyey. Shaadhka iyo kabuhuna waa casaan. Laydh marka ay sambabbada gaadho, xaaddiisa kicinaysa ayaa dhacaysa. Saacadda ayaan eegay, waa siddeeddii iyo toddoba daqiiqo. Markii aan ka soo jeedsaday ayay indhahaygu ku dhaceen. Waa ninkii Axmed oo aan sidii maanta ahayn. In la soo baalsheeyey ayaad mooddaa. “Inna wadi” inta uu yidhi ayuu i hor kacay. Baabuurkii waannu ka tagnay, in muddo ahna waannu soconnay.

Sidii uu isaguba ii sheegay, markiiba dhawaaqyo dad oo kala duwan ayaa dhegahayga soo gaadhay. Taah, gurxan iyo reen la jiibinayo ayaa dhulka madow dhex heehaabaya. Wax aan raagsadaba, hortiisa ayaan joogaa. “Cisbitaalka Jacaylka” ayaa far jiif loo xardhay ugu dhigan derbiga weyn ee hore qaybtiisa sare. Markiiba Axmed ayaa la gartay, si heersare ahna waa la noo qaabbilay. Agaasimihii ma joogaa? ayuu Axmed ku tuuray kalkaalisadan aad mooddo in jannadii loogu ballanqaaday. Heestii ay qaadaysay ayay hakisay.

Mahiigaan jacayl baa
Meel dheer i dhigayaa
Haa walaale hore u socda
I qaadaa i dhigayaa

Way na dhaaftay. Dhismeyaal kala soocan ayay indhahaygu qabanayaan. Midka guud ayaannu ku hagaagnay. Cadar aan garan waayey wax laga sameeyey, ayay urtiisu haysataa dhismaha dhan. Dhulka waxa goglan ruumi guduudan. Xagga sare maryo la maray ayaa ku xardhan. Dad wada qoslaya ayaa is dhaafdhaafaya. Sawirrada gidaarka sudhan ayaan indhaha la sii raacay. Sida uu Axmed ii sheegay, waa dhakhaatiirtii hore ee cisbitaalka ka hawlgeli jirtay. Markiiba waxay ishaydu ku dhacday muuqaallada Dr. Ismaaciil Cagaf-cagaf, Dr. Maxamed Cali Kaariye, Dr. Maxamed Cumar Huuryo, Dr. Cabdi Iidaan Faarax, Dr. Faysal Cumar Mushteeg. Koonaha waxa soo yaalla sawirgacmeed laga sameeyey Cilmi Boodheri. Waxaan faahfaahin ka weydiiyey sawirradan.

“Ismaaciilow sidaad moodeyso u ma cusba cisbitaalkani. Waxa la aasaasay 1937-kii. Illaa maantana wuu shaqeeyaa. Soo soco imikana agaasimahaynu u gelaynaaye.”
“Agaasimuhu waa kuma?”
“Dr. Xasan.”

Albaabkii ayuu laba jeer fanaxa ku dhuftay. “Soo socda.” Waannu galnay. Waa qol baaxad leh, derbiyadana laga lulay walxo isugu jira sawirro rag iyo haweenba ah iyo qiyaastii konton cuud oo muunad ahaan meesha u sudhan. Agaasimihii ayaan wejigiisa u fiirsaday. Dr. Xasanka la sheegayaaba waa abwaan Weedhsame. Wuu na soo dhoweeyey, sharaab qabow noo dalbay. Waxa aan ka dalbaday in uu cisbitaalka faahfaahin iga siiyo.

“Cisbitaalku waxa uu leeyahay qaybta abqaalka jacaylka, qaybta aramida jacaylka, qaybta qalliinnada wadnaha, qaybta bukaansocodka iyo qaybta talabixinta.”

Wiilka isha ayaa i fiday. Wuu sii watey.

“Waxa jira guryo aannu xaasaska is qaba ugu talagalnay. Halkaas ayay si dareen leh ugu wada nool yihiin.”

“Oo illaa xaasaska ayaa deggan.”

“Qaar baa carruuro ku dhalay. Carruurtaas oo ah kuwo bilaa xasarad ah, ixtiraamkuna qanjaha joogo.”

“Ma i soo tusi kartaa?”

Digtoorkii wuu na hor kacay. Qaybta qalliinka wadnaha ayuu na geeyey. Waadhka dad badan ayaa jiifa. Dhammaantood waa naafo, qalliin ayay ka soo baxeen. Nin aan ku qiyaasay afartan jir oo sariirta soke jiifa ayay ishaydu ku dhacday. Digtoorka oo arkay in aan eegayo, ayaa su’aal aanan weydiin iiga jawaabay.

“Waa nin laga dhoofay. Xalay ayaa la qalay, saddex cisho kaddibna qaybta baxnaannada ayaa la geyn doonaa.”

“Daawooyin noocee ah ayaad qortaan?”

“Isaga waxa loo qoray dhowr kala nooc ah. Cumar Dhuulle waa in laga ilaaliyo, subixii laba jeer oo Maxamed Mooge ah iyo habeenkii intaanu seexan oo Raaxeeye ah ayaa xummadjebin ahaan loo siin doonaa.”

Waannu ka gudubnay. Waxa aannu sii dhaafnay qaybta abqaalka jacaylka oo la jiibinayo heestii Magool:

Waa lay sitaayoo
Dawan bay sanqadhayoo
Samadaa dusheediyo
Sudhan oogadaydoo
Saymaan ku beegnahay
Seetiyo hoggaan bay
Naftu igula socotaa

Waannu sii dhaafnay. Qayb gaar u go’an oo dad badani fayl ugu jiraan ayaan arkay. Waxaan weydiiyey dadkaasi iyo xaaladdooda. Agaasimuhu waxa uu yidhi:

“Barakacayaasha jacaylka ayaannu dibudejin u samaynaa. Waad dad tabaalaysan oo is qoraya qaybta dibudejinta qaxoontiga. Qaybtan kalena waa qayta aramida jacaylka.”

Waxa uu ii sii raaciyey:

“Qaybtan marka aad gelayso, fadlan afka sii duubo. Fayrasku markan ayuu ugu faafitaan badan yahay, ma rabno in lagu qaadsiiyo adiga oo aan diyaar u ahayn.”

Waan galnay. Markiiba waxa aan arkay gabadh dhulka hawaarta, dhabankana gacanta ku haysa. Waxay la qaadaysaa heestii Xasan Aadan oo sameecadaha ka soo burqanaysa.

Jacayl aan dhammaan baa
Dhexda iigu maranoo
Kii horaa i dhaawacay
Kanna waygu dhaatee

Gabadh da’ yar oo la ii sheegay in qurbaha laga keenay, meeshana caashaqcelis ahaan u joogta, ayaa la jiibinaysa.

Allahayow dhib badanaa
Adoo dhoofay caashaqa
Dhul shisheeye kaa helay

Habeenkii oo dhan duni kale ayaan joogey, waa la ii tumayey, illaa mar keli ah shaqadii la joojiyey. Agaasimihii ayaa dhan u dhaqaaqay, Axmedna dhan kale, anna in aan baxo ayaa la i amray. Maxaa dhacay? Kuye: “Waagii baa dhow, meeshuna habeenkii uun bay shaqaysaaye sii soco.” Aniga iyo boqollaal bukaan ah, ayaa isku mar ka dareernay meeshii. Kii wadnaha laga qalay ayaa ka mid ahaa dadka magaalada gelaya, si ay caawa u soo noqdaan. Anigu dhankii gurigayga ayaan u soo dhaqaaqay. Wax samboor u eg ayaa i haya. Xummad yar ayaa jidhka diirinaysa, wax aad jacayl mooddaana wuu i soo hayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *