Axmed & Sahra

Wiil dhallinyar ah ayaan ahaa, wakhtigiisa qaadanaya. Nin wax badani hoos marayaan, balse isu haysta in uu wax kasta og yahay. Wax badan ayaan moogganaa, iyada ayaan moogganaa. Saaxiibkay, iyada walaalkeed, ayaannu aad isugu dhoweyn. Gurigooda ayaan iman jirey. Mar kasta halkaas ayaan ku caweyn jirey. Hablaha guriga jooga is maannu arki jirin, anna maan danaynayn. Ixtiraam iyo xishood ayaan ku joogey.

Habeen aan reerka hawl u qabanayey ayaan ku raagay guriga. Hooyadeed oo aad ii jeclayd ayaa iga codsatay in aan innamada la seexdo, maaddaama ay wakhti dambe noqotay. Sidii ayaan yeelay. In rag hortii la i kicin doono, maan ogeyn. Qiyaastii saddexdii habeennimo ayaa la i toosiyey. Qof aanan garanayn oo i dul taagan ayay ishaydu qabatay. In aan riyoonayo ayaan moodayey. Qofkii wuu tegi waayey. Waxaan arkay in ay tahay gabadhii shaqaalaha guriga ka ahayd. Waan yaabay. Waan istaagay, way i hor kacday. Guriga oo fooq ah ayay xaggiisa sare i saartay. Waxba ma weydiin karo, waa lagu maqli ayaan is leeyahay, waanan baqayaa. Hadallo ayay igu sii tuurtay.

“Miyaad indho la’ dahay? Ma nacas baad tahay waar? Inanta ku jecel ee maalin oo dhan sidaa kuu eegaysa miyaanad arkin? Soo soco.”

Waxa halkaa sii joogta Sahra. Markii ay i aragtay ayay ilmaysay. Aqoon hore naga ma dhaxayso, dhan aan u qaadana ma garanayo. Af soomaaligu wuu ku adag yahay, anna af carabiga aad u ma aqaanno. Way ooyeysaa. Illaa hadda waxaan ka shakisanahay in la i dardaray. “Maxaa dhacay walaal?” ayaan ku go’ay. Way ii warrantay. Su’aalihii ay gabadhii hore i weydiisay, kuwo ka daran ayay i hor dhigtay. Jawaabo ayaan u waayey. “Hablo kala duwan ayaad guriga la timaaddaa, waan ogahay. Aniga oo si dhab ah kuu rabana i ma aragtid.” Hadal aan ka nuuxsan kari waayey ayuu ahaa. Wax aan sameeyo ayaan garan waayey. Ballan ayaan u qaaday. In maanta wixii ka dambaysa ay iyadu tahay midda keli ah ee aan daneeyo, ayaan u sheegay. Ballan afka uun ah ayay iga ahayd markaas. Intaa markii ay maqashay, ayay i soo fasaxday. Dhankii gogoshaydu taallay ayaan imid. Waan gam’i waayey. Salaaddii subax ayaan soojeed ku gaadhay, deedna waan fakaday. Toddobaad gurigii ku maan noqon.

Qoyska wiil ka mid ah ayaan ahaa, muddo ka dibna waa la i soo raadiyey. Qasab ayay noqotay in aan gurigii ku noqdo. Sahri may daalin, iga manay quusan. Dad kale oo ay ii soo martay ayaa jirey. Runtii gabadh wanaagsan ayay ahayd. Haddii aan guursan lahaana, dhallinyarnimada way iga saari lahayd. Balse hal doollar jeebkayga ku ma jiro. Sahra waannu is fahannay. Midabkeeda cad, af soomaaligeeda adag iyo naxariisteeda badan ayaa i soo jiitay. Ma ay ahayn qof maal jecel. Aniga ayay i rabtay, intaas ayay ugu dhammayd. Anna haatan, iyada waan rabaa.

Xidhiidhkayagu waxa uu u badnaa khadka telefoonka. Mararka qaar, si toos ah ayaannu u wada hadli jirnay. Waa haddii ay suurtagal noqoto. Maalin ka mid ah maalmahaas aannu wada joognay, ayuu aabbeheed na arkay annaga oo gaar u wada taagan oo sheeko iyo qosol ku jirna. Aabbeheed waa soomaali, hooyadeedna carabiyad. Odayga waa laga baqaa, anna hadal hore maan weydaarsan isaga. Wuu na arkay, deedna na dhaafay.

Maalintii ku xigtay ayay Sahri i soo wacday. Aad ayay u naxsanayd. In uu aabbeheed qabsaday ayay ii sheegtay, reerka oo dhanna uu gaadhsiiyey. Hadda in uu shaqada ku maqan yahay ayay ii sheegtay, balse uu dalbaday in marka uu soo noqdo loo sheego waxa ka dhexeeya inantiisa iyo Axmed. Sahri codsi ayay wadataa. In aan u qirto aabbeheed in aannu guur ku heshiinnay aniga iyo inantiisu. Waxay ii sheegtay in haddii kale ay dhib mudan doonto. Anigu wakhti aan guursado iyo maal aan ku guursado midna ma haysto. Mushaharkaygu waa 60 doollar. Waxa aan u sheegay in aanay taasi suurtagal ahayn, iyaduna ku may farxin dabcan. Waxay ii sheegtay in galabta afarta galabnimo la iga rabo guriga, si aan sharraxaad u bixiyo. Aniga oo fajacsan ayaan aqbalay.

Nafta ayaan la tashaday, guur in aanan diyaar u ahayn maanta ayaan isku qanciyey. Si aan go’aankayga u gudbiyo, ayaan dhexda iska sii xidhay. Aniga oo aan ogeyn waxa iga horreeya ayaan gurigii daf idhi. Qolkii fadhiga ee baaxadda weynaa ayaan ku hagaagay. Waxa dhexdiisa fadhiya dhammaan dadkii guriga ku noolaa. Odaygii illaa ilmihii ugu yaraa. Xitaa bisaddii reerku way joogtaa. Mijahaa i gariiray. Waan soo socday, istaagay albaabka. Kun indhood iyo dhego hadal dhowraya. Salaan ka dib, iyada ayaa lagu bilaabay.

“Maxaa idin ka dhexeeya?”

“Waa jacaylkayga, la’aantii ma noolaan karo.” Tabtii hindida ayuun bay afka furatay. Khajilaad weynaa! Waa la igu soo jeestay.

“Adna Axmedow?”

Go’aankii aan xafidsanaa ayuun baa ii jaray.

“Waannu is jecel nahay, Sahra aad baan u jecelahay. In ay xaaskayga noqoto ayaan rabaa. Berrina reerkayga ayaan idiin keenayaa.”

Bal maxaa iga yeedhsiiyey. Mar keli ah ayaa sacab la isku daray, naqas weynina wuu iga soo booday. Wiig i suga, ayaan ku waashay.

“Aabbahay ma noola, hooyadayna dalka way ka maqan tahay imika. Laakiin tolkay ayaan u yeedhayaaye, toddobaad i suga.”

Sidii ayaan kaga imid. Hooyaday ayaan la xidhiidhay. Waan u sheegay. Way u qaadan weyday. Way igu adkaysay, waan se ka dhaadhiciyey markii dambe. Way oggolaatay. Sahra ayaan u sheegay. Way faraxday iyaduna. Adeerraday ayaan u yeedhay. Waan kulansiiyey labadii dhinac. In meherka iyo arooska la is raaciyo ayuu Sahra aabbeheed codsaday, maaddaama oo uu dhaqankoodu sidaas yahay. Meherkii ayaa loo ballamay. Wuu qabsoomay. Nin xaas leh ayaan noqday. Arooskii ayaan is idhi qabo. Hooyo ayaa shil gashay. Arooskiina sidaas ayuu ku baaqday.

Itoobiya ayuu gaadhi kula dhacay hooyo. Way jajabtay. Aroos ii ma yaallo. Walaalladay iga waaweynaa ayaa xaggaa u yaacay. Anna waan ogeysiiyey Sahra iyo aabbeheed. Sahri way naxariis badan tahay, xaaskaygu waa qof aad u wanaagsan. In aanan aroos dhigan karin, hooyaday oo cisbitaal ku jirta, ayaan u sheegay. Sidaas ayaannu ahayn, wakhtiguna wuu socday. Toddobaadyadii ayaa bilo noqday, bilihiina sannad. Markaas ayaan dareemay dhaqdhaqaaq. Mid aan wanaagsanayn oo ka imanaya Sahra hooyadeed.

“Hooyo, Sahra habaryarteed oo Jabuuti joogta ayaa umushay. Sahrina umusha ayay ka soo saaraysaa. Fadlan ii fasax aan Jabuuti u diree.”

Codsi badweyn igu faruuri doona, qorshe kalena u qarsoon yahay ayuu ahaa, balse maan dareensanayn.

Waan ka shakiyey codsiga noocan ah. Waxa aan Sahra hooyadeed u sheegay in uu arooskaygii dhow yahay oo ay arrintaasi igu adag tahay. Waan ka diiday. Sahra oo ordaysa ayaa ii timid. Waxay ii sheegtay in ay hooyadeed fogeynayso, waxaanay iga codsatay in aanan ka aqbalin. Waan ka yeelay. Qof dan lihi ma daalo. Sahra hooyadeed may nasan. Markii dambe walaalkay ayaa la ii soo diray. Labaatan maalmood ayaan oggolaaday. Oggolaanshahaygii iyo bixitaankoodii, waxa u dhexeeyey inta jawaabtaydu gaadhayso oo keli ah. Diyaar ayay ahaayeen. Ka maan gaadhin in aan sii salaamo, way bexeen.

Cidlo badan ayaan dareemay. Hooyo ayaan tebay. Weli dhaawac ayay u jiiftaa. Dhan aan u dhaqaaqo iyo cid aan wax u sheego ayaan garan waayey. Waxaan go’aansaday in aan maalinba siday noqoto aan ula dhigo nolosha.

Aniga iyo Sahri si joogto ah ayaannu u xidhiidhi jirnay. Maalintii saddex illaa afar jeer. Waannu isu boholyownay. Markiiba waxa ay ii sheegtay arrin shakigaygii hore sii xoojisay. Habaryarta ay u tagtay umulba ma aha. Warqad af carabi ku qoran oo dheer ayaan diyaariyey. Waxa aan u diray habaryartii ay la joogtay xaaskaygu. Weedhihii ku qornaa waxa ka mid ahaa: “Xaaskaygaa ii ilaali, haddii kale aakhiro ku maan saamixin.” In ifka la joogo ayaan illoobay. Sahra teleefankeedii ayaa mar keli ah aamusay. Nag! Waan waayey. Habaryarteed ayaan wacay, ma jirto. Dhidid qabow ayaa iga soo booday.

Habeenkaas, goor saq dhexe ah ayaa Jabuuti la iga soo wacay. Subixii ayaan arkay in dhowr jeer la i soo wacay. Waan ku celiyey. Ma dhacayo. Maalmo ka dib, waxa la iga soo wacay Yaman. Habaryar kale oo aan is idhi tii hore way ka naxariis badan tahay, ayaa ii sheegtay in Sahra iyo habaryarteedii Jabuuti joogtayba ay haatan iyada la joogaan. Qarracan! Cadho ayaan jiq noqday. Mid aniga uun igu kooban. “Naga raalli ahow, waa laguu soo celinayaaye” ayaa la igu yidhi. Qasab ayaan isku qaboojiyey. In la iga xoog badan yahay ayaan aqoonsaday. Bal haatan xidhiidhka uun xooji, ayaan nafta ku sasabay.

Si joogto ah ayaan ula hadli jirey Sahra habaryarteed, tii Yaman sii joogtay, iyada ayaa telefoonka iigu geyn jirtay Sahra. Sidaas ayaannu ahayn 55 maalmood. Illaa maalintii lix iyo kontonaad oo ay habaryarteed i soo wacday.

“Halow!”

“Xaaskaagii nin ayaa qasab loogu meherinayaa.”

Jidhka ayuu olol iga baxay. Hawada ayaa igu yaraatay, meel i qaaddana waan waayey. Dhan qudha ayaan u dhaqaaqi karaa: dhankii gurigooda. Waan u galay. Waxa jooga hooyadeed iyo inankii ay walaalaha ahaayeen Sahra ee aannu saaxiibka ahayn, haatan se i sannifay. Aabbeheed xajka ayuu ku maqan yahay. Islaantii dhabteeda ayaan ku cararay, way i jeclayd, wanaag ayaan ku ogaa. Xaalkayga ayaan u sheegay, aniga oo ilmaynaya. In ay og tahay waxa socda, meeshaba maan soo dhigan. Calaacal dheer ayaan u galay. Way i sugtay inta aan dhammaysanayo. Kor baan u eegay, hoos bay ii soo eegtay. Sariirta ay ku fadhido waxa ag taalla shandad kuwa dharka ah. Farta ayay iigu fiiqday. Deedna wax madaxayga ka weynaaday ayay igu tidhi.

“Ma doonaysaa Sahra? Shandaddaas oo dahab ah ii keen.”

In ay iska ciyaarayso ayaan moodayey. Waan eegay, waa ka dhab. Sahra hooyadeed oo aan aqaanney in ay sidaa igu tidhaahdo, ayaa iga dhaadhici weyday. Waan baryey, ku dul ooyey, si walba idhi. Wallay ka tahay. Kii ay dhashay ayaa codkayga ku soo kacay oo qolka soo galay.

“Waar dee hooyaday way kuu sheegtay waxay rabtee faraha ka qaad, ha wareerine.”

Bal muu iska aamuso, ciil gadhoodhay oo in la jiheeyo u baahnaa ayaan xaggiisa la aaday. Dhowr jeer markii aan madixiisa iyo gidaarka mataaneeyey, ayaan iska baxay.

War iyo wacaalba waan ka waayey Yaman. Maalin dambe ayay habaryarteed i soo wacday.

“Sahra abtigeed ayaa nin ku khasbay. Iyaduna abtigeed ayay saliid kulul ku shubtay oo wuu dhaawacan yahay. Haddii aad xaaskaagii rabto, si dhakhso ah u soo gaadh imikaba. Laba cisho Sanca ku kaalay.”

Sancaay xaggeed ku taal? Laba cisho Sanca ku tag waa dhulka toosi. Kharash ma hayo, meel la maro ma garanayo. Badda ayaan qoondaystay in aan ka tallaabo. Suurtagal way noqon weyday, labadii cishana way dhammaadeen. Waan ka soo jeedsaday, dhankii reerkooda ayaan u soo jeedsaday. Waxaan dhaar ugu maray in haddii xaaskaygii la ii soo celin waayo, aan kow kaga siinayo inta magaalada ka joogta. Odaygii oo aan waxba ogeyn ayaa xajkii ka soo noqday. Waannu kulannay, weji furan iyo naxariis ayuu i tusay. Isaga iyo Allihii. In aanu waxba ka ogeyn ayuu ii sheegay. Isaga iyo Allihii. Imikana in uu wax hagaajin doono ayuu ii sheegay. Isaga iyo Allihii.

Bil gudaheed ayuu reerkii magaalada degganaa kala yaacay. Qaarna Xamar, qaarna Yaman. Magaaladii waa la ii cidleeyey. Qof aan ku ciil baxaana ku ma hadhin. Xaggeen u raacaa? Nin la khiyaameeyey ayaan noqday. Marka ay reerkaygu i arkaanna, “waar is adkee oo nin iska dhig” ayay taladoodu ahayd. Way ninnimo dhaaftay.

Wakhtigaasi waxa ay ahayd dhammaadkii sannadkii 2011-kii. Bil kasta kharash yar oo aan dirqi ku soo helay ayaan u diri jirey Sahra habaryarteed, aniga oo ka codsanaya in ay ila soo hadashiiso. Sahra ninkii waa loo guuriyey. Waxaana la dejiyey dhul miyi ah. Meel laga la xidhiidhaana ma jirto. Sidaas ayaan ku waayey codkeeda dhowr sanno.

Bishii siddeedaad 2015-kii, maalin jimce ah. Guriga ayaan markaas uun soo galay. Salaaddii jimce ayaan ka soo baxay markii uu teleefanku yeedhay. Waan ka qabtay. Wuu go’ay. Waa Yaman. Waan ku celiyey.

Laba habeen uun ka hor ayaan riyo ku riyooday. Waxa aan arkay iyada oo ilmo yar oo cad sidata. Aniguna xaas ayaan lahaa. Markaas ayay igu tidhi:

“Axmedow sow adigii igu yidhi waan ku sugayaa.”

Telefoonkii ayaan ku celiyey. Waa la iigu dhiibay. Waxa aan moodayey in ay illintu iga dhammaatay. Mid kulul oo aan is idhi weli may bislaan ayaa i soo jiidhay. Iyaduna sidoo kale. Alla maxaan codkeeda tebay, maxaan araggeeda u xiisay. Oohinteedu may ahayn mid murugo oo keli ah. Wax baa wehelinayey. Codkeeda qoomamo ayaa ka muuqatay. Naqaskeeda in ay dembi isa saarayso ayaa laga dareemayey. Waan u sheegay. In aanan iyada u cadhaysnayn ayaan u sheegay. Wax kasta in aan ogahay, in la qasbay ayaan u sheegay. Waan ugu celiyey. Way ii jawaabtay. In ay ilmo yar leedahay ayay ii sheegtay. Reerka ninka in ay la deggan tahay ayay ii sheegtay. “Maxaad hurdada iigu diidday?” ayaan ku idhi. “Waan kaa seexan waayey” ayaan ku idhi. “Maxaan sameeyaa?” ayay i tidhi. “Adoo carruur wata ayaan ku guursan doonaa” ayaan ku idhi. “Goorta se garan maayo.”

Qof wax jecel Allaa dhibay. Waan nasan waayey. Fikir ayaa igu soo dhacay. Ninkeeda haddaan la hadlo ka warran? Malaha waxba ma ogee, haddaan u sheego in ay Sahri xaaskaygii tahay, wuu i fahmi doonaa. Kolley waa nin oo wax uun buu ku odhan doonaaye la hadal. Nin aannu saaxiib nahay oo af carabiga iga yaqaanna ayaan u yeedhay. Lambarkii ayaan wacay. “Walaalo macaan xaaskaygii ayaad qabtaa. Ilaahay ka yaab.” Waa loo turjumay. Wax kalaan sugayey. “Waxaas yaan lagaa maqline isku xishood.” Illaa imika ma illoobo. Aniga ayaa weliba xishood la iga rabaa. “Maalin aan maanta ahayn ayaynu is arki doonnaa” ayaan ku idhi. “Waana xaaskaygii, waa lagaa xisaabin doonaa. Taas xasuusnow.”

Ilaahay caddaaladdiisa waan jecelahay. Sahra hooyadeed ayaa i soo wacday. “Hooyo Sahra ninkeedii ayaa qarax ku dhintay. Fadlan wac oo u tacsiyee.” Maan nixin. Waxaan u sheegay in la wada dhimanayo, ee Ilaahay ha u naxariisto. Waa ninkii i dhibay. Waxaan is idhi madfac ayaa keligii ku dhacay. Sahra ayaan wacay. Waan u sheegay in aan ka xumahay geerida ku timid. Garabkeeda in aan taaganahay ayaan u sheegay. Way ii warrantay. Meesha in ay ka timaaddo in ay rabto ayay wax iiga taabatay. Balse ay uur labaad leedahay. Asaydana aanay dhigi karin illaa ilmahaasi dhasho. Dhowr bilood ka dib ayuu ilmihii dhashay. Haddana carqalad kale. Reerkii ay u dhaxday ayaa u diiday in ay carruurta kaxaysato. Waxaan u sheegay in aanay carruurta la’aantood soo bixin. Waxay ii sheegtay in uu dagaalku sii xumaanayo. Waxaan u sheegay in uu qalbigeedu maqnaan doono haddii ay ubadka ka timaaddo. “Carruurtaasi waa carruurtaydii, waayo weli ninkaagii ayaan ahay.”

Saddexdii bilood ee u dambeysay war ka maan helin. Teleefankuna ma dhacayo. Marka uu bilaa dab noqdo, baytariga baabuurka ayaa lagu xidhiidhiyaa. Way adag tahay sida loo helo. Qaar Yaman u sii socday ayaan 500 doollar siiyey. In ay war iyo wacaal mid uun iiga keenaan ayaan ka codsaday. Iyagii iyo lacagtiiba weli way maqan yihiin.

Bal maalintii aad ii digaysay maan ku maqlo. Maxaan kuu fasaxay? Jabuuti maan kuugu imaaddo! In badan su’aalahan waan is weydiiyey, afar sanno ayaan weli jawaabtooda baadhayaa. Nafta waan dagaalay, in badan ayaan saq dhexe deldelay. Ma og tahay in aan meelahaa wejigaaga ka arko? In anoo iska aamusan aan codkaaga maqlo, deedna dhoollacaddayn weyni illinta soo dhex jiidho. Ma og tahay? Ma og tahay in dadka qaar i weydiiyaan “imisa carruur ah ayaad isu leedihiin?” Waxba ma oga, anna u ma sheego. Laba, ayaan ku idhaa.

Weli waan ku jecelahay. Sahra waan ku jecelahay. Tolow miyey og tahay in aan sugayo? Saddex hablood oo ka dambeeyey ayaan la sheekaystay dhowrkaa sanno. Mid walba waxa aan ka dhex baadhayaa Sahra. Waan ka waayayaa. Deedna waan ka tegayaa. Bishi saddexaad ee sannadkan ayaan is idhi gabadh guurso. Markii u dambeysay ayuun bay Sahra noqon weyday. Mid kale ayaa hadda diyaar ii ah, waxaan ka baqayaa in ay Sahri cidlo ku dhacdo. “Istikhaara tuko” ayay igu yidhaahdaan. Kun istikhaaraan tukaday. Waan sii jeclaanayaa uun.

#WaaLaygaGuursaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *